Xanuunka Macaanku maaha kaliya in sonkortu dhiigga ku badato, balse waa xanuun saameeya hab-dhiska guud ee jirka. Soomaaliya iyo qurbahaba, dadka qaba xanuunkan ayaa kor u kacay, balse waxaa jira dareen ah inaan si dhab ah looga dhiidhin khatartiisa ilaa ay timaado dhibaato muuqata sida aragga oo luma ama dhaawac aan bogsoonayn.
Waa Maxay Khatarta dhabta ah ee Macaanka?
Macaanka oo aan la xakameynin wuxuu keenaa dhibaatooyin caafimaad oo naxdin leh, kuwaas oo inta badan dadkeenu aysan u nisbeyn xanuunka:
- Kelyo Beel: Waa sababta koowaad ee keenta in kelyuhu shaqada joojiyaan.
- Aragga oo luma: Wuxuu dhaawacaa xididdada yaryar ee indhaha (Diabetic Retinopathy).
- Goynta Addimada: Dhaawac yar oo lugta ka gaara qof macaanka leh wuxuu isu beddeli karaa “Gangrene” keenta in lugta la gooyo.
- Xanuunada Wadnaha: Wuxuu laba-laabaa fursadda uu qofku ugu dhiman karo wadne istaag.
Maxay Soomaalidu u Sahashataa?
Waxa jira dhowr arrimood oo keenaya in xanuunkan la dhayalsado:
- Dhaqanka Cuntada: Cuntada Soomaalida waxay u badan tahay Bariis, Baasto, iyo Rooti (Carbohydrates), kuwaas oo jirka dhexdiisa isugubedala sonkor. Sidoo kale, cabitaannada sonkorta badan ayaa qayb ka ah martisoorka.
- Wacyiga oo Yar: Dad badan ayaa aaminsan in haddii aysan dareemayn xanuun (Xilli xanuunku gudaha wax ka dhex baabi’inayo) inay caafimaad qabaan.
- Daawooyinka Dhaqanka: Waxaa jira dad iska daaya daawadii dhakhtarka iyagoo aaminaya geedo ama biyo la akhriyay, taas oo keenta in sonkortu gaarto heerar halis ah.
Calaamadaha lagu garto (Digniinta Hore)
Haddii aad isku aragto calaamadahan, ha sahashan:
- Haraad joogto ah iyo afka oo qalala.
- Suuliga oo aad loogu laabto (gaar ahaan habeenkii).
- Daal badan iyo miisaanka oo hoos u dhaca adigoon isku deyin.
- Aragga oo ku xumaada ama ku dhuura.
Sidee looga Hortagi karaa?
Macaanka Nooca 2-aad waa mid inta badan laga hortagi karo ama la xakameyn karo haddii:
- Socodka la badiyo: Ugu yaraan 30 daqiiqo oo socod ah maalin kasta.
- Cuntada la nidaamiyo: In la yareeyo sonkorta, burka cad, iyo bariiska, laguna beddelo khudaar iyo waxyaabaha leh fiber-ka.
- Baaritaan joogto ah: Qof kasta oo ka weyn 30 sano waa inuu mar walba iska baaraa heerka sonkorta dhiiggiisa.