Kabtanka kooxda Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa markale magaciisa ku qoray diiwaanka dahabka ah ee horyaalka Ingiriiska, ka dib markii uu wacdaro ka dhigay kulankii ay guusha dirqiga ah kaga soo gaareen Chelsea garoonka Stamford Bridge.
Guul Muhiim ah iyo Doorkii Fernandes
Manchester United ayaa dhibicda saddexaad ka soo heshay galbeedka London, iyadoo ciyaartu ku soo dhammaatay 1-0. Goolka qura ee guusha horseeday waxaa qaybtii hore ee ciyaarta shabaqa dhex dhigay weeraryahanka Matheus Cunha, kaasoo caawin heer sare ah ka helay Fernandes.
Rikoodhka uu Jabiyay Kabtanku
Sida laga soo xigtay xogaha Opta, Fernandes ayaa noqday xiddigii afraad ee taariikhda Premier League ka tirsan oo xilli ciyaareed qura sameeya 10 caawin iyo wax ka badan isagoo ku ciyaaraya garoomada martida. Wuxuu liiskan kula biiray halyeeyo ay ka mid yihiin:
- Cesc Fabregas (11 caawin – 2014/15)
- Mohamed Salah (11 caawin – 2024/25)
- Muzzy Izzet (10 caawin – 2003/04)
Saameynta Fernandes iyo Mustaqbalka Kooxda
Tan iyo markii uu ka soo wareegay Sporting CP sanadkii 2020, laacibkan hadda jira 31-ka sano ayaa udub dheaad u ahaa Manchester United. Guushan ayaa dhiiragelin weyn u ah kooxda uu hoggaaminayo macalin Michael Carrick, kuwaas oo isha ku haya kulanka soo socda ee ay habeenka Isniinta wajahayaan kooxda Brentford.