Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Siyaad Aadan, oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Degmada Doolow Mudane Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey), ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Shirka Nabadda Beelaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, kaas oo muddooyinkii u dambeeyay ka socday Degmada Doolow.
Shirkan oo ujeedkiisu ahaa xoojinta nabadda, isu-soo-dhowaanshaha iyo xal u helidda khilaafaad horey uga jiray beelaha walaalaha ah ee Degmada Luuq, ayaa ugu dambeyn lagu soo gebogebeeyay guul, iyada oo laga gaaray is-afgarad, heshiis taariikhi ah iyo isu-tanaasul waara.
Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Jubbaland ayaa munaasabadda xiritaanka ka jeediyay hadallo isugu jiray dardaaran, duco iyo dhiirrigelin, isagoo si gaar ah ugu boorriyay beelaha Degmada Luuq in ay adkeeyaan midnimada, is-qaddarinta iyo walaalnimada, isla markaana ay ilaashadaan nabadda oo uu ku tilmaamay tiirka ugu muhiimsan ee jiritaanka iyo horumarka Dowladda Jubbaland.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Degmada Doolow Mudane Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey) ayaa bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen odayaasha dhaqanka, waxgaradka, haldoorka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Gedo, kuwaas oo door muuqda ka qaatay hirgelinta gogosha nabadda. Waxa uu ballan qaaday in Maamulka Degmada Doolow iyo Dowladda Jubbaland ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta nabadda, wadajirka iyo horumarinta bulshada Degmada Luuq iyo guud ahaan Gobolka Gedo.
Shirkan nabadeed ayaa ku soo dhammaaday jawi walaaltinimo, isu-soo-hilow iyo kalsooni, isagoo noqday tusaale cad oo muujinaya sida Dowladda Jubbaland ugu guuleysato xallinta khilaafaadka bulshadeeda iyada oo loo marayo wada-hadal, isu-tanaasul iyo garawshiiyo.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Jubbaland iyo masuuliyiintii ka qeyb galay munaasabadda ayaa u mahadceliyay Ciidamada Amniga Degmada Doolow, Dowladda Itoobiya, Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-Heshiisiinta Beelaha Degmada Luuq Mudane Cabdullaahi Cabdille Magan (Bood), iyo Maamulka Degmada Doolow, kuwaas oo kaalin weyn ka qaatay guusha iyo nabad ku soo afmeerka shirka.








