Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa si rasmi ah uga bilowday ololaha wacyigelinta bulshada ee ka dhanka ah rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo tacaddiyada loo geysto haweenka, kaas oo ay fulinayaan hay’adaha Iftin Women Group iyo Safer World.

Munaasabadda furitaanka ololahan ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Haweenka Degmada Kismaayo, xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah ee Jubbaland, iyo Daladda Nabadeynta, kuwaas oo dhammaantood si mideysan u adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda haweenka, ka hortagga rabshadaha ku saleysan jinsiga, iyo kor u qaadidda doorka haweenka ee nabadeynta iyo horumarinta bulshada.
Mas’uuliyiinta ka qeyb galay munaasabadda ayaa tilmaamay in rabshadaha iyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka ay caqabad ku yihiin horumarka bulshada, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la helo wacyigelin joogto ah, iskaashi bulsho iyo taageero sharci iyo mid bulsho si loo ciribtiro dhibaatooyinkaas.
Ujeeddada ololahan ayaa ah xoojinta wacyiga bulshada, dhiirrigelinta ka hortagga tacaddiyada iyo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka, iyo dhismaha bulsho nabdoon oo ku dhisan sinnaanta jinsiga, ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo wada noolaansho nabadeed.
Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda ka hadashay Barreey Garweyne, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Degmada Kismaayo, oo sheegtay in ololahan uu yahay mid badbaado iyo rajo u ah haweenka Soomaaliyeed, isla markaana door weyn ka qaadan doona yareynta rabshadaha iyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, iyadoo ugu baaqday bulshada inay si buuxda uga qeyb qaataan dadaallada wacyigelinta.







