Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabtay shir looga hadlayay dib-u-habeynta nidaamka mushaar bixinta shaqaalaha dowladda, iyadoo masuuliyiinta ka qeyb gashay ay soo dhaweeyeen qorshahan cusub ee lagu tayeynayo habraaca maamulka shaqaalaha.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Jubbaland, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga , Xogahayaha Golaha Baarlamanka Jubaland isku duwaha mashruuca saab,Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha Dowladda Jubbaland iyo Agaasime Waaxeedyada waaxda Maamulka Maaliyadda iyo shaqaalaha wasaaradaha.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa habka mushaar bixinta shaqaalaha dowladda, si loo xaqiijiyo in shaqaalaha ay helaan mushaarkooda si joogto ah, caddaalad ah, isla markaana waafaqsan nidaamka shaqo ee dowladda Jubbaland.