Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si kulul uga hadlay xarigga iyo xaaladda Sacdiyo Macallin Cali, isagoo dowladda ka dalbaday inay degdeg usii dayso.
Xildhibaanka ayaa sheegay in habka loola dhaqmay Sacdiyo uu dhaawac weyn ku yahay sumcadda dowladnimada iyo hay’adaha sharciga, isaga oo xusay in aanay jirin wax sharci ah oo loo maray xariggeeda, isla markaana aysan jirin dacwad cad oo loo haysto.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale dhaliilay hoggaanka dalka, isagoo ku eedeeyay inay muujinayaan tabar-darro siyaasadeed iyo dulqaad la’aan marka ay timaado aragtiyada ka duwan kuwa dowladda, taas oo uu sheegay inay halis ku tahay dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.
Xildhibaanka ayaa ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddeeda loo siiyo Sacdiyo Macallin, isla markaana la dhowro xuquuqda muwaadiniinta, isagoo uga digay bulshada inay ka aamusto waxa uu ku tilmaamay gaboodfallo soo noqnoqday.
Mucaaradka ayaa horey si adag ugu cambaareeyay xarigga Sacdiyo, waxayna haatan dalbanayaan in si degdeg ah loo sii daayo, iyagoo xariggeeda ku tilmaamay mid ka tarjumeysa xadgudub ka dhan ah xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
