Siyaasiyiinta mucaaradka oo maanta kulan xasaasi ah la yeeshay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, iyaga oo kadib ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah, gaar ahaan dhisida koox ‘Badbaado Qaran ah’.
Kulanka oo ka dhacay guriga madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa mucaaradka waxay odayaasha kula wadaageen xaaladda adag ee uu dalku marayo, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka Baarlamaanka, kadibna uu ku xigo madaxweyne Xasan Sheekh, sida uu shaaca ka qaaday Ra’iisul wasaare hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.
Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waxaan la wadaagnay xaaladda uu dalka ku jiro iyo marxaladda kala guurka ah sidaad la socotaan muddo xileedkii Baarlamaanka wuu dhammaaday mida madaxweynahana waa 15-ka May oo maanta ka dhiman tahay 20 maalmood dalka Soomaaliyana uu galayo xaalad mugdi ah”.
Dhanka kale, wuxuu ku dhawaaqay ‘Badbaado Qaran’ isaga oo shacabka ugu baaqay inay qaataan kaalintooda, qaybna ka noqdaan abaabulka socda.
“Waxaan isla garanay in hadda wixii ka dambeeyo uu dalka u baahan yahay badbaado qaran oo Soomaali oo dhan ay ka qayb-qaadato. Madaxweynaha kor iyo hoos waa ula hadalnay ehelnimo iyo asaxaabtinimo si kasta wax waan ugu sheegnay inuu talada dalka dhexda soo dhigo laakin hadda dalka Soomaaliya wuxuu qarka u saaran yahay inuu kala tego”. ayuu mar kale yiri Rooble.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurkii 2012-kii.