KISMAAYO (Jubaland TV) – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay laba dukumenti oo muhiim u ah hannaanka horumarka iyo adeegga bulshada ee Jubaland, kuwaas oo kala ah Siyaasadda Dalxiiska iyo Siyaasadda Kharash-soocelinta Isbitaallada.
1. Siyaasadda Dalxiiska Jubaland
Siyaasaddan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dalxiiska iyo Hanuunninta Dadweynaha, waxay dhabaha u xaaraysaa isbeddel weyn oo lagu sameeyo qaybta dalxiiska. Qodobbada ugu waaweyn ee ay hiigsanayso waxaa ka mid ah:
- Soo Bandhigista Khayraadka: Maamulidda iyo xayeysiinta goobaha taariikhiga ah iyo quruxda dabiiciga ah ee Jubaland.
- Kobaca Dhaqaalaha: Soo jiidashada maalgashi shisheeye iyo mid gudaha ah si looga faa’iideysto xeebaha iyo dhulka barwaaqada ah.
- Shaqo Abuur: In dhalinyarada Jubaland loo helo fursado shaqo oo cusub iyadoo loo marayo adeegyada dalxiiska.
2. Siyaasadda Kharash-soocelinta Isbitaallada
Siyaasaddan oo ka timid Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo nidaamka maaliyadeed ee xarumaha caafimaadka heer gobol iyo heer degmo. Ujeeddooyinka fog waxaa ka mid ah:
- Joogteynta Adeegga: In isbitaalladu yeeshaan awood dhaqaale oo ay si joogto ah ugu adeegaan bulshada.
- Hagaajinta Tayada: In dakhliga ka soo xerooda adeegyada qaarkood dib loogu celiyo tayeynta qalabka iyo daryeelka bukaanka.
- Hufnaan Maaliyadeed: In la abuuro nidaam hufan oo lagu maareeyo kharashka caafimaadka, si loo yareeyo ku tiirsanaanta kaalmooyinka dibadda oo kaliya.
Horumarka iyo Fayo-qabka Bulshada
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa xusay in labadan siyaasadood ay qayb ka yihiin qorshaha guud ee dowladda ee lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah iyo kor u qaadista fayo-qabka iyo nolosha shacabka Jubaland. Saxiixa dukumentiyadan ayaa calaamad u ah bisaylka maamul iyo dadaalka loogu jiro in Jubaland ay gaarto isku-fillaansho dhaqaale iyo adeeg.





