Kismaayo, Jubaland – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Jubaland, kaas oo looga hadlay qodobo muhiim ah oo quseeya xaaladda amniga, horumarinta doorashooyinka, iyo gurmadka abaarta ee ka jirta deegaanada Jubaland.
Intii uu kulanku socday, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda amniga guud ee deegaanada Jubaland. Warbixintu waxay ka koobnayd qiimeyn dhammaystiran iyo tallaabooyin istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo sugidda amniga, la-dagaallanka khataraha amni, iyo ilaalinta nabadgelyada shacabka. Wasaaraddu waxay sidoo kale soo bandhigtay qorshayaal lagu xakameynayo falalka amni-darrada ah iyo tabaha lagu horumarinayo howlgalada booliiska iyo ciidamada ammaanka ee Jubaland.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa Golaha hor dhigtay warbixin ku saabsan horumarka ilaa hadda laga gaaray dejinta hanaanka doorashooyinka Golaha Deegaanka. Warbixintu waxay muujisay dadaallada socda ee lagu xaqiijinayo geeddi-socod doorasho oo hufan, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay doorashooyinka u leeyihiin xoojinta dimuqraadiyadda iyo wacyigelinta bulshada. Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ka wada hadlay caqabadaha ka hor imaan kara geeddi-socodka doorashooyinka iyo tallaabooyinka lagu xallinayo.

Dhanka kale, Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan gurmadyo kala duwan oo la gaarsiiyay Deegaanka Jannaa Cabdalle ee Gobolka Jubada Hoose. Warbixintu waxay tilmaamtay taageero loo fidiyay dadka ay abaartu saameysay, iyo sidoo kale kaalmo lagu garab istaagay ciidamada geesiyaasha ah ee Jubaland, si loo xaqiijiyo badbaadada dadka iyo xoolaha ay abaartu saameysay.
Ugu dambayn, Wasaaradda Gargaarka, Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha Wasiirrada ka siisay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada Jubaland. Warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay baahiyaha degdegga ah ee shacabka ay abaartu saameysay, iyo tallaabooyinka gurmad ee haatan socda, kuwaas oo loogu talagalay in lagu yareeyo saameynta abaarta iyo in la badbaadiyo nolosha dadka nugul. Warbixintu waxay sidoo kale soo bandhigtay qorshayaal lagu xaqiijinayo in taageerada gurmadka ay si hufan uga gaarto dadka u baahan.
Kulankan Golaha Wasiirrada ayaa muujinaya sida Dowladda Jubaland ay uga go’an tahay ilaalinta amniga, horumarinta doorashooyinka, iyo taageerada shacabka ay abaartu saameysay. Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada ayaa ku adkeystay muhiimadda isku xirka hay’adaha dowladda, ciidamada amniga, iyo bulshada, si loo xaqiijiyo nabadgelyo, horumar, iyo badbaadada dadka Jubaland.







