Guddoomiyaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, Mudane Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey), ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar ciidan oo loo qabtay ciidamo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubaland, kaas oo bilihii la soo dhaafay ka socday degmada Doolow.
Tababarkan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayay aqoonta, xirfadaha, iyo anshaxa ciidanka, si ay u gutaan waajibaadkooda amni ee ka saaran sugidda nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanka.
Guddoomiyaha Doolow ayaa hambalyo u diray ciidammada dhammeystay tababarka, isagoo kula dardaarmay in ay si masuuliyad leh ugu adeegaan dalkooda iyo dadkooda, ayna ka faa’iideystaan casharradii iyo waayo-aragnimadii ay ka heleen muddadii tababarku socday.
Sidoo kale, Guddoomiye Lafeey ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni bulsho.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay hoggaanka ciidanka ee degmada, gaar ahaan Taliyaha Amniga Degmada Doolow, Maxamed Xasan Buulle, oo uu ku ammaanay doorkiisa hoggaamineed, isku-duubnida uu sameeyay, iyo dadaalka uu geliyay horumarinta howlaha amniga.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Doolow, saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga, maareeyaha garoonka diyaaradaha Doolow, madaxa xiriirka hay’adaha, xoghayaha xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Jubaland, iyo Guddoomiyaha xaafadda Qansaxleey.













