Wargelin ku saabsan gudbinta warbixinnada waxqabadka ee Tacadiga Jinsiga (SGBV).
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ilaalinta sharciga iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan dadka u nugul tacadiga jinsiga ku saleysan (SGBV), wuxuu wargelin muhiim ah u dirayaa dhammaan hay’adaha ka shaqeeya arrimahan.
Xafiisku wuxuu ogaysiinayaa dhammaan Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah ee ka hawlgala deegaannada Jubbaland, kuwaas oo fuliya mashruucyada la xiriira ka hortagga iyo wax ka qabashada tacadiga jinsiga, inay waajib tahay inay u soo gudbiyaan warbixintooda sannadlaha ah ee sannad-duugga 2025.
Muddada Gudbinta
Muddada loogu talagalay in lagu soo gudbiyo warbixinnadan waxay ku eg tahay:
- Bilowga: 05 April 2026
- Dhammaadka: 20 April 2026
Ahmiyadda Warbixintan
Ujeeddada laga leeyahay ururinta warbixinnadan waa in la qiimeeyo saamaynta mashaariicda laga fuliyey deegaanka, in la hubiyo inay waafaqsan yihiin xeerarka u yaalla dalka, iyo in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha garsoorka iyo bahda horumarinta. Warbixintu waa inay ka turjuntaa dhibanayaashii la caawiyey, kiisaskii sharciga la horgeeyey, iyo wacyigelintii la qabtay sannadkii tagay.
Habka loo soo gudbinayo
Hay’adaha waxaa laga codsanayaa inay warbixinnada ku soo hagaajiyaan xafiiska dhexe ee Xeer Ilaaliyaha Guud ee ku yaalla magaalada Kismaayo. Sidoo kale, waxaa lagu soo diri karaa habka elektaroonigga ah (E-mail) ee rasmiga ah ee xafiisku u leeyahay xiriirka hay’adaha.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud wuxuu ku adkaynayaa madaxda hay’adaha inay dhawraan waqtiga loo qabtay. Hay’addii ku guuldarraysata inay warbixinteeda ku soo gudbiso muddadaas, waxay xafiisku ka qaadi doonaa tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan xeerka xiriirka hay’adaha iyo dowladda.
Mahadsanidiin.
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland
