Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed H. Baraki, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Jubaland, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Jubaland iyo maamulka Degmada Dhobley, ayaa maanta xarigga ka jaray ceel-biyood lagu sameeyay dayactir iyo ballaarin, kaas oo laga hirgeliyay deegaanka Deg-Elema ee hoostaga Degmada Dhobley.
Ceelkan ayaa lagu sameeyay dayactir dhammaystiran, waxaana lagu soo kordhiyay nidaamyo casri ah iyo qalab cusub, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in la fududeeyo helista biyo macaan oo nadiif ah, isla markaana joogto ah.

Mas’uuliyiintii ka qeyb-gashay munaasabadda ayaa sheegay in mashruucani uu yahay mid muhiim ah oo si weyn uga qeyb qaadanaya yareynta biyo-la’aanta iyo saameynta abaaraha, gaar ahaan xilliyada adag, isla markaana kor u qaadaya nolosha, caafimaadka iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada ku nool Deg-Elema iyo deegaanada ku xeeran.
Sidoo kale, Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubaland ayaa adkeysay in ay sii wadi doonto dadaallada horumarinta kaabayaasha biyaha, si loo xaqiijiyo in bulshada ay helaan adeegyo biyo oo waara, tayo leh, isla markaana daboolaya baahiyaha bulshada.
Ugu dambeyntii, bulshada deegaanka Deg-Elema ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowladda Jubaland dadaalka joogtada ah ee ay ku bixinayso horumarinta ilaha biyaha, iyagoo muujiyay in ceelkan cusub uu wax weyn ka tari doono nolol-maalmeedkooda.
W/Q Abdikadir Jama Mohamed
Kala Soco Wararka Degaanada Jubbaland
