Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmahan booqasho shaqo ku jooga Degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose, booqashadaas oo la xiriirta dardargelinta mashaariic horumarineed iyo kormeerka adeegyada aasaasiga ah ee ka socda degmada.
Intii uu Wasiirku ku sugnaa Dhoobley, waxaa uu si rasmi ah u dhagax-dhigay Garoonka Diyaaradaha Degmada Dhoobley, kaas oo qorshihiisu yahay in loo dhiso qaab casri ah, si uu u daboolo baahiyaha socdaalka, ganacsiga iyo isku xirka bulshada deegaanka iyo guud ahaan Jubaland. Dhagax-dhigga garoonkan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo horseedi kara horumar ballaaran.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha uu qeyb ka yahay qorshaha Dowladda Jubaland ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan garoomada, waddooyinka iyo dekedaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah kobaca dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga gudaha iyo kan dibadda.

Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed (Handal) ayaa xusay in Degmada Dhoobley ay leedahay muhiimad istiraatiiji ah, maadaama ay ku taallo xuduud, isla markaana ay tahay marin ganacsi iyo mid amni. Sidaas darteed, ayuu sheegay in garoon diyaaradeed oo casri ah uu door weyn ka qaadan doono dardargelinta horumarka, kor u qaadista ammaanka iyo fududeynta isku socodka hay’adaha dowladda, ganacsatada iyo bulshada rayidka ah.
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in dhismaha garoonka uu abuuri doono fursado shaqo oo kala duwan, gaar ahaan dhalinyarada degmada, xilliga dhismaha iyo marka uu garoonku shaqo bilaabo. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Dowladda Jubaland ay mudnaan gaar ah siinayso mashaariicda saameynta togan ku leh nolosha dadka.
Dhanka kale, Maamulka Degmada Dhoobley, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si weyn u soo dhaweeyay dhagax-dhigga garoonka diyaaradaha, iyagoo ku tilmaamay mid ay muddo dheer sugayeen. Waxay sheegeen in hirgelinta mashruucan ay wax weyn ka beddeli doonto xaaladda isku socodka iyo fursadaha dhaqaale ee deegaanka.
Mas’uuliyiin ka tirsan wafdiga Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in booqashada Dhoobley aysan ku ekaan doonin oo kaliya dhagax-dhigga garoonka, balse ay la xiriirto qiimeyn guud oo lagu sameynayo baahiyaha horumarineed ee degmada, si qorshayaal waara loogu saleeyo horumarka mustaqbalka.
Intii lagu guda jiray booqashada, Wasiirka Maaliyadda Jubaland ayaa kulamo la qaatay maamulka degmada, ganacsatada iyo waxgaradka bulshada, kuwaas oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa dakhliga gudaha, kor loogu qaadi lahaa maalgashiga, isla markaana loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo dheeraad ah.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland ayaa ballanqaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo dhammaan degmooyinka Jubaland, si loo xaqiijiyo horumar loo wada dhan yahay, amni waara iyo nolol ka wanaagsan tan hadda jirta.
W/Q Abdikadir Jama Mohamed


