Skip to content
  • Facebook
  • Twitter
  • Youtube

Jubaland TV

Isku Xiraha Bulshada Soomaaliyeed

Primary Menu
  • Home
  • Wararka Gobollada
    • Jubaland
    • Puntland
    • Benaadir
    • Galmudug
    • Hir-shabelle
    • Koonfur Galbeed
  • Ciyaaraha
  • English News
  • Watch JLTV Live
  • About Us
  • Contact Us
  • Privacy Policy
    • Terms of Service
Subscrib Now
  • Home
  • Wararka Gobollada
  • Madaxweynaha Galmudug Oo Dhuusamarreeb Ku Soo Dhaweeyay Safiirka Jabuuti

Madaxweynaha Galmudug Oo Dhuusamarreeb Ku Soo Dhaweeyay Safiirka Jabuuti

Jubalandtv December 31, 2025 (Last updated: December 31, 2025) 0 comments
607950477_1438320577864045_1092614453768898829_n

Dhuusamarreeb: Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta magaalada Dhuusamarreeb si diirran ugu soo dhaweeyay Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wafdiga Safiirka ayaa yimid caasimadda Galmudug si ay uga qayb galaan Shirka Madasha Aragti-Wadaagga, oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Heritage, islamarkaana caawa si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamarreeb.

Soo dhaweynta wafdiga Safiirka Jabuuti ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada Galmudug, waxaana goob joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Galmudug, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, saraakiil amni, iyo marti sharaf kale. Tani waxay muujinaysaa xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo dowlad-goboleedyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ka qaybgalka Safiirka Jabuuti ee shirka, isagoo xusay in Madasha Aragti-Wadaaggu ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-hadalka, is-dhaafsiga aragtiyada, iyo iskaashiga ku aaddan arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horumarka dalka.

Dhankiisa, Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf ayaa uga mahadceliyay Dowladda Galmudug iyo shacabka Dhuusamarreeb soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay doorka Jamhuuriyadda Jabuuti ee taageerada nabadda, dowlad-dhiska, iyo horumarka Soomaaliya.

Shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee Machadka Heritage ayaa diiradda saaraya arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dowlad-dhiska, nidaamka federaalka, xasilloonida siyaasadeed, iyo xoojinta wadashaqeynta u dhexeysa hay’adaha kala duwan ee dalka.

W/Q Abdikadir Jama Mohamed

Post navigation

Previous: Madaxweynaha Galmudug Oo Dhuusamarreeb Ku Soo Dhaweeyay Madaxweynaha Waqooyi Bari
Next: Jaamacadda Hormuud Oo Soo Gabagabeysay Qalinjebinta Dufcadda 12-aad

Related Stories

615292661_1348826740622357_7535199388900200014_n

Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo Guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirrada

Jubalandtv January 15, 2026 0
615223722_1193261872984759_6456108091908171703_n

Fadhigii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Jubalandtv January 15, 2026 0
616187926_1447182843430268_7586576108485181889_n

Madaxweynaha Jubaland oo si Rasmi ah u Furay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka

Jubalandtv January 14, 2026 0

Trending News

Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo Guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirrada 615292661_1348826740622357_7535199388900200014_n 1

Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo Guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirrada

Jubalandtv January 15, 2026 0
Fadhigii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland 615223722_1193261872984759_6456108091908171703_n 2

Fadhigii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Jubalandtv January 15, 2026 0
Wakiil ka Tirsan ICE Oo Nin Ku Toogtay Minneapolis | Bulshada Oo Ka Careysan Arinkaas APTOPIX Federal Enforcement Immigration Minnesota 3

Wakiil ka Tirsan ICE Oo Nin Ku Toogtay Minneapolis | Bulshada Oo Ka Careysan Arinkaas

Jubalandtv January 15, 2026 0
Madaxweynaha Jubaland oo si Rasmi ah u Furay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka 616187926_1447182843430268_7586576108485181889_n 4

Madaxweynaha Jubaland oo si Rasmi ah u Furay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka

Jubalandtv January 14, 2026 0
Howlgal Lagu Xaqiijinayo Amniga Magaalada Dhoobley WhatsApp Image 2026-01-06 at 8.54.23 AM 5

Howlgal Lagu Xaqiijinayo Amniga Magaalada Dhoobley

Jubalandtv January 7, 2026 0

You May Have Missed

615292661_1348826740622357_7535199388900200014_n

Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo Guddoomiyay Kulanka Golaha Wasiirrada

Jubalandtv January 15, 2026 0
615223722_1193261872984759_6456108091908171703_n

Fadhigii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Jubalandtv January 15, 2026 0
APTOPIX Federal Enforcement Immigration Minnesota

Wakiil ka Tirsan ICE Oo Nin Ku Toogtay Minneapolis | Bulshada Oo Ka Careysan Arinkaas

Jubalandtv January 15, 2026 0
616187926_1447182843430268_7586576108485181889_n

Madaxweynaha Jubaland oo si Rasmi ah u Furay Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka

Jubalandtv January 14, 2026 0

© Jubaland TV. All Rights Reserved.

Privacy Policy | Terms & Conditions