Madasha Garsoorayaasha ayaa lagu qabtay dood-cilmiyeed sharciyeed oo cinwaankiisu ahaa “Hababka Loo Maro iyo Saameynta ay yeelan karto Dib u Celinta Dacwadda iyo Soo Dhex-galinta Dhinac Saddexaad”, taas oo diiradda lagu saaray fahamka habraacyada garsoorka iyo saameynta sharci ee ka dhalan karta arrimahan.
Dooddan cilmiyeed ayaa waxaa ka qeyb galay garsoorayaal khibrad u leh howlaha caddaaladda, kuwaas oo si qoto dheer uga hadlay dhinacyada kala duwan ee mowduuca, iyaga oo soo bandhigay aragtiyo sharci, tusaalooyin la xiriira dacwado hore, iyo saameynta ay arrimahani ku yeelan karaan hannaanka garsoorka.
Garsoorayaasha ka qeyb galay doodda ayaa kala ahaa:
- Garsoore Saalax Dhiblaawe
- Garsoore Khaalid Geelle
- Garsoore Cabdiraxmaan Sulub
Doodda ayaa waxaa daadihinayay Cabdinaasir Garaad, oo hagayay is-dhaafsiga aragtiyaha, su’aalaha iyo falanqaynta sharciyeed ee ay soo bandhigeen ka qeybgalayaasha.
Ujeeddada dood-cilmiyeedkan ayaa ahayd kor u qaadidda aqoonta garsoorayaasha, is-weydaarsiga waayo-aragnimada sharci, iyo xoojinta fahamka ku saabsan dib u celinta dacwadaha iyo kaalinta dhinac saddexaad ee habraaca garsoorka, si loo helo caddaalad hufan oo ku dhisan sharci iyo cadaalad.
Madasha Garsoorayaasha ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta nidaamka garsoorka iyo tayeynta go’aannada maxkamadaha, iyada oo dood-cilmiyeedkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadda garsoorayaasha.



