Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), ayaa shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle.
Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirrada ayaa dhageystay warbixinno faahfaahsan oo ka kala yimid Wasaaradaha Amniga, Beeraha, Shaqada iyo Gargaarka, kuwaas oo la xiriiray xaaladda guud, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed ee wasaaradahaasi.
Kaddib dood dheer iyo falanqeyn qoto dheer oo laga yeeshay ajandayaasha kulanka, Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle ayaa si rasmi ah u meelmariyay qodobbadan muhiimka ah:
- Sharciga Dakhliga Dowladda Hirshabeelle
- Siyaasadda Canshuuraha
- Xeer-nidaamiyeyaasha la xiriira dakhliga
- Siyaasadda Fasaxa Dhismaha
Qodobbadan la ansixiyay ayaa lagu tilmaamay kuwo door weyn ka qaadan doona xoojinta nidaamka maaliyadeed, kor u qaadidda dakhliga gudaha, iyo habeynta qorsheynta iyo sharciyeynta dhismayaasha ka socda deegaanada Hirshabeelle.
Gunaanadkii kulanka, Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), ayaa ku ammaanay Golaha Wasiirrada dadaalka ay ku bixinayaan horumarinta, hufnaanta maamulka iyo dhismaha hay’adaha Dowladda Hirshabeelle, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn iyo isla-xisaabtan.







