NAIROBI (Jubaland TV) – Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, ayaa kulan miro-dhal ah magaalada Nairobi kula qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Francesca Di Maura.
Kulankan oo looga hadlay qodobbo masiiri u ah horumarka Jubaland, waxaa Wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo xubno ka tirsan kooxda farsamada, halka Safiirka ay wehelinaysay Madaxa Iskaashiga Midowga Yurub.
Qorshaha Horumarinta Shanta Sano
Mawduuca ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa dhammaystirkii iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Jubaland ee shanta sano ee soo socota. Qorshahan oo ay si wadajir ah u qaabeeyeen Dowladda Jubaland iyo Midowga Yurub, ayaa saldhig u noqon doona mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaannada Jubaland.
Gurmadka Abaaraha iyo Kaabayaasha
Wasiirka iyo Safiirka ayaa sidoo kale si qoto dheer uga wadahadlay:
- Jawaabta Abaaraha: Sidii loo heli lahaa taageero isku-duwan oo degdeg ah oo lala gaaro dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira Jubaland.
- Iskaashiga Horumarka: Xoojinta mashaariicda saamaynta dhow ee bulshada wax looga qabanayo.
Bogaadin iyo Mahadnaq
Wasiir Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay doorkooda joogtada ah ee ku aaddan dowlad-dhiska iyo horumarinta Jubaland.
Dhankeeda, Safiir Francesca Di Maura ayaa bogaadisay shaqada baaxadda leh ee ay Wasaaraddu ka qabatay diyaarinta qorshaha horumarinta, waxayna ballan-qaaday in Midowga Yurub uu sii labanlaabi doono taageerada uu siiyo Jubaland si qorshahaas loogu beddelo ficil.
W/Q Abdikadir Jama Mohamaed



