WAR-SAXAAFADEED
KISMAAYO (February 01, 2026) — Dowladda Jubaland waxay si adag uga xuntahay, una cambaareynaysaa go’aanka xilkasnimo-darada ah ee maanta halis toos ah lagu geliyay nolosha wafdiga hordhaca ah iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Dowladda Jubaland. Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Dowladda Federaalka ah ay si ula kac ah hawada uga celisay diyaaradii waday wafdigaas xilli ay ku dhowaatay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Masuuliyad-darro iyo Halis Galin Nololeed
Wafdigan oo ka duulay Garoonka Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Kismaayo, waxaa safarkooda si rasmi ah loola socodsiiyay Hay’adda Duulista Rayidka, Guddiga Qaban-qaabada Shirka, iyo Laamaha Amniga ee Dowladda Federaalka.
Hase yeeshee, markii diyaaraddu ay qarka u saarnayd inay degto, ayaa si lama filaan ah loogu amray inay dib ugu laabato Kismaayo, iyadoo aan xisaabta lagu darin badqabka diyaaradda iyo haddii ay haysato shidaal ku filan dib-u-laabashada. Arrintani waxay ka tarjumaysaa masuuliyad-darro weyn iyo tallaabo ka fog nidaamka dawladnimada oo halis gelisay nolosha muwaadiniin Soomaaliyeed.
Cunaqabataynta Shacabka
Sidoo kale, isla maanta waxaa hawada laga celiyay labo diyaaradood oo ay lahaayeen shirkado gaar ah, kuwaas oo siday dad shacab ah, loona diiday inay ka degaan Garoonka Muqdisho. Tallaabadan ayaa muujinaysa in Dowladda Federaalka ay u adeegsanayso hawada dalka si lagu dhibaataynayo dadka rayidka ah, taas oo abuuri karta qalalaase dhanka socdaalka ah.
Fashilinta Shirka Wadatashiga
Dowladda Jubaland waxay u aragtaa tallaabooyinkan is-daba-joogga ah inay yihiin isku-day ay Dowladda Federaalka ku doonayso inay ku baajiso Shirka Wadatashiga ah ee lagu ballansanaa, iyadoo ka caga-jiidaysa inay miiska wadahadalka la fariisato saamilayda siyaasadeed. Tani waxay marag u tahay niyad-sami la’aanta hoggaanka federaalka ee ku aaddan helitaanka xal looga baxo marxaladda cakiran ee dalku marayo.
Beeninta Wararka Been-abuurka ah
Waxaan caddeynaynaa inaysan jirin wax go’aan ah oo ay wada gaareen guddiyada wadajirka ah oo la xiriira tirada ilaalada ama martida kale ee wafdiga Madaxweynaha. Wararka sheegaya in arrimahaas heshiis hore looga gaaray waa kuwo aan sal iyo baar lahayn, looguna talagalay in lagu marin-habaabiyo shacabka.
Gunaanad
Dowladda Jubaland waxaa ka go’an sii wadista dadaallada horseedaya xal waara iyo qabsoomidda Shirka Wadatashiga. Si kastaba ha ahaatee, ficillada maanta dhacay waxay abuurayaan kalsooni-darro iyo xaalado amni oo halis ah, iyadoo su’aal weyn gelinaya mas’uuliyadda iyo isku-halaynta Dowladda Federaalka ah ee hadda jirta.