KISMAAYO (Jubaland TV) – Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubaland ayaa maanta u fariisatay dacwad ciqaabeed ka dhan ah eedeysane loo haysto dambiyo isugu jira dil, dhac, iyo khalkhal-gelin amni.
Xogta Eedeysanaha iyo Dambiyada lagu soo oogay
Eedeysanaha hortagay maxkamadda ayaa ah Diiriye Bishaar Cabdullaahi, oo 23 jir ah, kuna dhashay tuulada Deg-Elema oo hoos timaada degmada Dhoobley. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa eedeysanaha ku soo oogay dambiyadan:
- Gaysashada labo (2) dil iyo dhaawacyo kala duwan.
- Jid-gooyo iyo Budhcadnimo hubaysan.
- Dhac iyo lunsasho hub dowladeed.
- Khalkhal-gelin amni oo uu ka geystay deegaanno ka tirsan gobolka.
Socodka Fadhiga Maxkamadda
Fadhiga dacwadda waxaa furay Guddoomiyaha Maxkamadda, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim (Faaqid), iyadoo ay wehelinayeen labadiisa ku-xigeen.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidanka Jubaland, Gaashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, ayaa maxkamadda horkeenay eedeymaha rasmiga ah. Maxkamadda ayaa intii uu fadhigu socday:
- Dhageysatay eedaha ka dhashay baaritaannadii ugu dambeeyay ee Xafiiska Xeer Ilaalinta.
- La kala shaandheeyay qaybo ka mid ah cadaymaha hordhaca ah ee la xiriira dambiyada loo haysto eedeysanaha.
Go’aanka Maxkamadda
Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa soo xiray fadhigan koowaad, isagoo ku dhawaaqay in maxkamaddu dib isugu soo laaban doonto fadhiga labaad si loo sii amba-qaado dhageysiga markhaatiyada iyo cadaymaha dhiman, ka hor inta uusan garsoorku gaarin go’aan kama dambeys ah.
W/Q Abdikadir Jama Mohamed





